Xeerarkan waxay khuseeyaan adiga ku nool Sweden
iyo
adiga ku nool dibadda, tusaale ahaan haddii aad wax ku barato ama ka shaqeyso dibadda laakiin weli aad ka diiwaangashan tahay Sweden.
Waxaad xaq u leedahay inaad ka codeyso doorashada baarlamaanka haddii aad:
- gaartay 18 sano ugu dambayn maalinta doorashada,
- tahay muwaadin Swedish ah,
- isla markaana aad ku diiwaangashan tahay ama hore uga diiwaangashanayd Sweden.
Waxaad xaq u leedahay inaad ka codeyso doorashada gobolka iyo degmada haddii aad:
- gaartay 18 sano ugu dambayn maalinta doorashada,
- tahay muwaadin Swedish ah oo ka diiwaangashan degmada ama gobolka,
ama
- tahay muwaadin ka tirsan waddan EU ah ama Iceland ama Norway oo ka diiwaangashan degmada iyo gobolka,
ama
- tahay muwaadin waddan kale ah, ama aan lahayn jinsiyad, isla markaana aad si xiriir ah ugu diiwaangashanayd Sweden ugu yaraan saddex sano ka hor maalinta doorashada, sidoo kalena aad ka diiwaangashan tahay degmada ama gobolka.